×
ملتزمون بصومال أكثر اخضرارًا ومرونة
Wasaaradda Deegaanka & Isbadelka Cimilada -WBS Ministry of Environment & Climate Change, Northeastern وزارة البيئة وتغير المناخ في شمال شرق الصومال

DAAHFURKA OLOLAHA CAGAARINTA CAASIMADDA IYO DEGMOOYINKA WAQOOYI BARI

DAAHFURKA OLOLAHA CAGAARINTA CAASIMADDA IYO DEGMOOYINKA WAQOOYI BARI, EE XUSKA SANAD-GUURADII 1-AAD EE AASAASKA DOWLADDA GOBOLEEDKA WAQOOYI BARI SOOMAALIYEED

Laascaanood, 27 Luulyo 2026: Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada Dowladda Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay Ololaha Cagaarinta Caasimadda iyo Degmooyinka Waqooyi Bari, kaas oo qayb ka ah munaasabadaha lagu xusayo Sanad-guuradii 1-aad ee Aasaaska Dowladda Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliyeed.

Ololaha waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabaas Maxamuud Cali (Abbas Yacqub), iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Axmed Maxamed Ciise (Ahmed Senda), iyagoo sheegay in ololahani uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka, dib-u-soo-nooleynta dhulka, kobcinta dhirta iyo la-dagaallanka saamaynta isbeddelka cimilada.

Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda, maamullada degmooyinka, howlwadeennada Wasaaradda, aqoonyahanno, ururrada bulshada rayidka ah, haween, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si wadajir ah uga qayb qaatay beerista geedaha iyo dhiirrigelinta ilaalinta deegaanka.

Ololahani wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda lagu kobcinayo cagaarinta magaalooyinka, dib loogu soo noolaynayo dhulka, kor loogu qaadayo bilicda deegaanka, laguna dhisayo bulsho leh wacyi deegaan oo sare, si loo helo Waqooyi Bari cagaaran, adkaysi u leh isbeddelka cimilada, una horseeda horumar waara.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa dhammaan shacabka Waqooyi Bari inay ka qayb qaataan beerista iyo daryeelka geedaha. Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ku boorrinaysaa degmooyinka, hay’adaha iyo dhammaan qaybihii bulshada ee lagu wareejiyey geedaha inay mudnaan siiyaan beeristooda, daryeelkooda iyo ilaalintooda. Si loo xaqiijiyo guusha ololahan, Wasaaraddu waxay magacaabi doontaa kooxo kormeer ah oo la socon doona hirgelinta, daryeelka iyo koritaanka geedaha la beeray.

Hal-ku-dhegga Ololaha:

🌿 “Geed walba oo aan beernaa waa tallaabo aan ku dhisayno Waqooyi Bari Cagaaran.”

🌱 Ku xus, kuna dabaaldeg 30-ka Luulyo adigoo beeraya geed kuu noqda xusuus iyo dhaxal waara.

=DHAMMAAD=