๐ง๐๐๐๐๐๐ฅ๐๐ ๐๐จ ๐ฆ๐๐๐๐ฆ๐๐ก ๐๐๐๐๐๐ข ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ก๐ร๐ข ๐๐ฌ๐ข ๐ซ๐๐๐ ๐ฅ๐ข๐ข๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ฌ๐ฅ๐ง๐: ๐ฆ๐๐๐๐๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐, ๐๐๐๐ก๐๐๐ก๐ง๐ ๐๐ข๐ฅ๐ ๐๐ฌ๐ข ๐ง๐๐๐๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐๐ก๐๐ ๐๐ข๐ฅ๐
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta, 29-ka Oktoobar 2026, qabatay tababar ku saabsan El Niรฑo, iyadoo diiradda la saaray taariikhda roobabkii Dayrta ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwii 1997 iyo 2023, saamayntoodii iyo casharradii laga bartay.
Tababarka waxaa daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Axmed Maxamed Ciise (Ahmed Senda). Waxaa tababarka bixiyay xubnaha Guddiga Farsamo ee La-socodka Roobabka Dayrta, oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Siyaasadda, Mudane Mukhtaar Cabdiraxmaan Faarax, iyo Agaasimaha Waaxda Ilaalinta Deegaanka, Mudane Jaamac Maxamuud Xaaji-Saalax.
Intii uu tababarku socday, waxaa xoogga la saaray fahamka dhacdo cimileedka El Niรฑo iyo saamayntiisa, qiimaynta khataraha ka dhasha roobabka xooggan iyo fatahaadaha, xoojinta awoodda u-diyaargarowga, iyo muhiimadda ay leedahay in xogta saadaasha cimilada iyo digniinaha hore loo beddelo tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo nolosha bulshada, xoolaha, deegaanka iyo ilaha nololeed.
Wasaaraddu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee hawlwadeennadeeda iyo horumarinta nidaamyada la-socodka cimilada, digniinta hore iyo u-diyaargarowga khataraha deegaanka iyo isbeddelka cimilada.
=๐ฟ๐๐ผ๐๐๐ผ๐ผ๐ฟ=