saadaasha roobka ee toddobaadka 22–28 Oktoobar 2026
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya waxay bulshada la wadaagaysaa saadaasha roobka ee toddobaadka 22–28 Oktoobar 2026
Sida ku cad khariidadda saadaasha, roobab kala xoog badan ayaa laga filayaa gobollada Sanaag, Sool iyo Togdheer, gaar ahaan Ceerigaabo, Badhan, Dhahar, Laasqoray, Laascaanood, Xudun, Taleex, Buuhoodle iyo deegaannada ku xeeran. Qaybo ka mid ah deegaannadan waxaa laga filayaa roobab xooggan, iyadoo qiyaasta roobku meelaha qaarkood gaari karto 100–150 mm inta lagu jiro muddada saadaasha. Roobabkaasi waxay kordhin karaan khatarta fatahaadaha degdegga ah ee togagga iyo dooxooyinka.
⚠️𝗗𝗶𝗴𝗻𝗶𝗶𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝗪𝗮𝗰𝘆𝗶𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻
Bulshada waxaa lagula talinayaa inay ka fogaadaan togagga, dooxooyinka iyo meelaha hoose ee ay biyuhu ku soo fatahi karaan. Darawalladu yaanay isku dayin gudbidda togagga biyuhu marayaan. Xoolo-dhaqatada iyo beeraleydu ha qaataan taxaddarrada lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo dadka, xoolaha iyo hantida.
📌𝘞𝘢𝘴𝘢𝘢𝘳𝘢𝘥𝘥𝘶 𝘸𝘢𝘹𝘢𝘺 𝘣𝘶𝘭𝘴𝘩𝘢𝘥𝘢 𝘬𝘶 𝘣𝘰𝘰𝘳𝘳𝘪𝘯𝘢𝘺𝘴𝘢𝘢 𝘪𝘯𝘢𝘺 𝘭𝘢 𝘴𝘰𝘤𝘥𝘢𝘢𝘯 𝘴𝘢𝘢𝘥𝘢𝘢𝘴𝘩𝘢 𝘪𝘺𝘰 𝘥𝘪𝘨𝘯𝘪𝘪𝘯𝘢𝘩𝘢 𝘳𝘢𝘴𝘮𝘪𝘨𝘢 𝘢𝘩 𝘦𝘦 𝘤𝘪𝘮𝘪𝘭𝘢𝘥𝘢.