×
ملتزمون بصومال أكثر اخضرارًا ومرونة
Wasaaradda Deegaanka & Isbadelka Cimilada -WBS Ministry of Environment & Climate Change, Northeastern وزارة البيئة وتغير المناخ في شمال شرق الصومال

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya,

𝗠𝗨𝗤𝗗𝗜𝗦𝗛𝗢, 𝟭𝟯 𝗦𝗘𝗣𝗧𝗘𝗠𝗕𝗘𝗥 𝟮𝟬𝟮𝟲: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane 𝘼𝙭𝙢𝙚𝙙 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙚𝙙 𝘾𝙞𝙞𝙨𝙚 (Ahmed Senda), ayaa magaalada Muqdisho uga qaybgalay 𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻 𝗲𝗲 𝗦𝗮𝗮𝗱𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗖𝗶𝗺𝗶𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗲𝗲 𝗫𝗶𝗹𝗹𝗶-𝗥𝗼𝗼𝗯𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗗𝗔𝗬𝗥-𝘁𝗮 𝗲𝗲 𝗯𝗶𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗢𝗰𝘁𝗼𝗯𝗲𝗿 𝗶𝗹𝗮𝗮 𝗗𝗲𝗰𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 (𝗡𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗖𝗹𝗶𝗺𝗮𝘁𝗲 𝗢𝘂𝘁𝗹𝗼𝗼𝗸 𝗙𝗼𝗿𝘂𝗺 𝟮𝟬𝟮𝟲 – 𝗢𝗡𝗗 𝗗𝗔𝗬𝗥-𝘁𝗮).

Shirweynaha ayaa looga hadlay saadaasha cimilada ee xilliga DAYRTA iyo khataraha cimilada ee la filan karo, gaar ahaan saadaasha iyo xaaladaha la xiriira Super El Niño, iyadoo xoogga la saaray xoojinta digniinta hore, qorsheynta iyo u diyaar-garowga saameynta ka dhalan karta xaaladaha cimilada.

Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa kamid ah deegaannada horey u wajahday saameynta roobabka iyo daadadka, gaar ahaan fatahaadihii ka dhacay Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, kuwaas oo muujinaya muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo saadaasha cimilada, digniinta hore iyo diyaar-garowga bulshada.

Agaasimaha Guud ayaa shirka ku metelay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, isagoo ka qaybqaatay doodaha iyo is-dhaafsiga khibradaha ku saabsan sidii xogta iyo saadaasha cimilada loogu adeegsan lahaa qorsheynta, go’aan-qaadashada iyo u diyaar-garowga khataraha cimilada ee la saadaalinayo.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya waxay muhiimad gaar ah siisaa xogta cimilada, digniinta hore iyo diyaar-garowga bulshada, si loo yareeyo saameynta abaaraha, fatahaadaha iyo khataraha kale ee cimilada, loona xoojiyo adkaysiga bulshada iyo deegaanka.

=𝘿𝙃𝘼𝙈𝙈𝘼𝘼𝘿=