ร—
Waxaa ka goโ€™an Soomaaliya cagaaran oo adkaysi leh
Wasaaradda Deegaanka & Isbadelka Cimilada -WBS Ministry of Environment & Climate Change, Northeastern ูˆุฒุงุฑุฉ ุงู„ุจูŠุฆุฉ ูˆุชุบูŠุฑ ุงู„ู…ู†ุงุฎ ููŠ ุดู…ุงู„ ุดุฑู‚ ุงู„ุตูˆู…ุงู„

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya,

๐— ๐—จ๐—ค๐——๐—œ๐—ฆ๐—›๐—ข, ๐Ÿญ๐Ÿฏ ๐—ฆ๐—˜๐—ฃ๐—ง๐—˜๐— ๐—•๐—˜๐—ฅ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane ๐˜ผ๐™ญ๐™ข๐™š๐™™ ๐™ˆ๐™–๐™ญ๐™–๐™ข๐™š๐™™ ๐˜พ๐™ž๐™ž๐™จ๐™š (Ahmed Senda), ayaa magaalada Muqdisho uga qaybgalay ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—–๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ซ๐—ถ๐—น๐—น๐—ถ-๐—ฅ๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—”๐—ฌ๐—ฅ-๐˜๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ข๐—ฐ๐˜๐—ผ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ฐ๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ (๐—ก๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐—น ๐—–๐—น๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐˜๐—ฒ ๐—ข๐˜‚๐˜๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ธ ๐—™๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ โ€“ ๐—ข๐—ก๐—— ๐——๐—”๐—ฌ๐—ฅ-๐˜๐—ฎ).

Shirweynaha ayaa looga hadlay saadaasha cimilada ee xilliga DAYRTA iyo khataraha cimilada ee la filan karo, gaar ahaan saadaasha iyo xaaladaha la xiriira Super El Niรฑo, iyadoo xoogga la saaray xoojinta digniinta hore, qorsheynta iyo u diyaar-garowga saameynta ka dhalan karta xaaladaha cimilada.

Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa kamid ah deegaannada horey u wajahday saameynta roobabka iyo daadadka, gaar ahaan fatahaadihii ka dhacay Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, kuwaas oo muujinaya muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo saadaasha cimilada, digniinta hore iyo diyaar-garowga bulshada.

Agaasimaha Guud ayaa shirka ku metelay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, isagoo ka qaybqaatay doodaha iyo is-dhaafsiga khibradaha ku saabsan sidii xogta iyo saadaasha cimilada loogu adeegsan lahaa qorsheynta, goโ€™aan-qaadashada iyo u diyaar-garowga khataraha cimilada ee la saadaalinayo.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya waxay muhiimad gaar ah siisaa xogta cimilada, digniinta hore iyo diyaar-garowga bulshada, si loo yareeyo saameynta abaaraha, fatahaadaha iyo khataraha kale ee cimilada, loona xoojiyo adkaysiga bulshada iyo deegaanka.

=๐˜ฟ๐™ƒ๐˜ผ๐™ˆ๐™ˆ๐˜ผ๐˜ผ๐˜ฟ=