Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya,
๐ ๐จ๐ค๐๐๐ฆ๐๐ข, ๐ญ๐ฏ ๐ฆ๐๐ฃ๐ง๐๐ ๐๐๐ฅ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane ๐ผ๐ญ๐ข๐๐ ๐๐๐ญ๐๐ข๐๐ ๐พ๐๐๐จ๐ (Ahmed Senda), ayaa magaalada Muqdisho uga qaybgalay ๐ฆ๐ต๐ถ๐ฟ๐๐ฒ๐๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป ๐ฒ๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐๐ต๐ฎ ๐๐ถ๐บ๐ถ๐น๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐ซ๐ถ๐น๐น๐ถ-๐ฅ๐ผ๐ผ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐๐๐ฌ๐ฅ-๐๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐ฏ๐ถ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ข๐ฐ๐๐ผ๐ฏ๐ฒ๐ฟ ๐ถ๐น๐ฎ๐ฎ ๐๐ฒ๐ฐ๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ (๐ก๐ฎ๐๐ถ๐ผ๐ป๐ฎ๐น ๐๐น๐ถ๐บ๐ฎ๐๐ฒ ๐ข๐๐๐น๐ผ๐ผ๐ธ ๐๐ผ๐ฟ๐๐บ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ โ ๐ข๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ฅ-๐๐ฎ).
Shirweynaha ayaa looga hadlay saadaasha cimilada ee xilliga DAYRTA iyo khataraha cimilada ee la filan karo, gaar ahaan saadaasha iyo xaaladaha la xiriira Super El Niรฑo, iyadoo xoogga la saaray xoojinta digniinta hore, qorsheynta iyo u diyaar-garowga saameynta ka dhalan karta xaaladaha cimilada.
Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa kamid ah deegaannada horey u wajahday saameynta roobabka iyo daadadka, gaar ahaan fatahaadihii ka dhacay Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, kuwaas oo muujinaya muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo saadaasha cimilada, digniinta hore iyo diyaar-garowga bulshada.
Agaasimaha Guud ayaa shirka ku metelay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, isagoo ka qaybqaatay doodaha iyo is-dhaafsiga khibradaha ku saabsan sidii xogta iyo saadaasha cimilada loogu adeegsan lahaa qorsheynta, goโaan-qaadashada iyo u diyaar-garowga khataraha cimilada ee la saadaalinayo.
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya waxay muhiimad gaar ah siisaa xogta cimilada, digniinta hore iyo diyaar-garowga bulshada, si loo yareeyo saameynta abaaraha, fatahaadaha iyo khataraha kale ee cimilada, loona xoojiyo adkaysiga bulshada iyo deegaanka.
=๐ฟ๐๐ผ๐๐๐ผ๐ผ๐ฟ=