kormeer shaqo Guddiga Deegaanka, Khayraadka Dabiiciga ah iyo Isbeddelka Cimilada ee Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.
𝗟𝗮𝗮𝘀𝗰𝗮𝗮𝗻𝗼𝗼𝗱 - 𝟯 𝗡𝗼𝘃𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟲: waxaa Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Waqooyi Bari, kormeer shaqo ku yimid Guddiga Deegaanka, Khayraadka Dabiiciga ah iyo Isbeddelka Cimilada ee Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.
Guddiga waxaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay masuuliyiinta Wasaaradda, oo uu hoggaaminayey Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane 𝐂𝐚𝐛𝐚𝐚𝐬 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐂𝐚𝐥𝐢 (Abbas Yacqub) oo uu wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗶𝗶𝘀𝗲 (Ahmed Senda), iyo laba ka mid ah Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, Mudane Jaamac Maxamuud iyo Marwo Muno Ismaaciil.
Intii uu kulanku socday, masuuliyiinta Wasaaradda ayaa Guddiga warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, qorshayaasha mudnaanta leh, waxqabadka iyo guulaha la gaaray, iyo caqabadaha jira ee hortaagan fulinta waajibaadka Wasaaradda.
Sidoo kale, masuuliyiinta Wasaaradda ayaa ka jawaabay su’aalihii iyo waydiimihii Guddiga, iyagoo faahfaahin ka bixiyey dadaallada Wasaaradda ee la xiriira ilaalinta deegaanka, maaraynta khayraadka dabiiciga ah, ka hortagga khataraha masiibooyinka dabiiciga ah, wax ka qabashada xaalufinta deegaanka iyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan dhawrista deegaanka.
Booqashadan kormeer shaqo ayaa qayb ka ah gudashada waajibaadka Golaha Wakiillada ee kormeerka iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda, waxayna muhiim u tahay xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha dowladda, hufnaanta maamulka iyo horumarinta waxqabadka hay’adaha dowliga ah.
=𝘿𝙃𝘼𝙈𝙈𝘼𝘼𝘿=