ร—
Committed to a Greener, Resilient Somalia
Wasaaradda Deegaanka & Isbadelka Cimilada -WBS Ministry of Environment & Climate Change, Northeastern ูˆุฒุงุฑุฉ ุงู„ุจูŠุฆุฉ ูˆุชุบูŠุฑ ุงู„ู…ู†ุงุฎ ููŠ ุดู…ุงู„ ุดุฑู‚ ุงู„ุตูˆู…ุงู„

kormeer shaqo Guddiga Deegaanka, Khayraadka Dabiiciga ah iyo Isbeddelka Cimilada ee Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

๐—Ÿ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ฑ - ๐Ÿฏ ๐—ก๐—ผ๐˜ƒ๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ: waxaa Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Waqooyi Bari, kormeer shaqo ku yimid Guddiga Deegaanka, Khayraadka Dabiiciga ah iyo Isbeddelka Cimilada ee Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Guddiga waxaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay masuuliyiinta Wasaaradda, oo uu hoggaaminayey Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane ๐‚๐š๐›๐š๐š๐ฌ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐‚๐š๐ฅ๐ข (Abbas Yacqub) oo uu wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane ๐—”๐˜…๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—–๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฒ (Ahmed Senda), iyo laba ka mid ah Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, Mudane Jaamac Maxamuud iyo Marwo Muno Ismaaciil.

Intii uu kulanku socday, masuuliyiinta Wasaaradda ayaa Guddiga warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, qorshayaasha mudnaanta leh, waxqabadka iyo guulaha la gaaray, iyo caqabadaha jira ee hortaagan fulinta waajibaadka Wasaaradda.

Sidoo kale, masuuliyiinta Wasaaradda ayaa ka jawaabay suโ€™aalihii iyo waydiimihii Guddiga, iyagoo faahfaahin ka bixiyey dadaallada Wasaaradda ee la xiriira ilaalinta deegaanka, maaraynta khayraadka dabiiciga ah, ka hortagga khataraha masiibooyinka dabiiciga ah, wax ka qabashada xaalufinta deegaanka iyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan dhawrista deegaanka.

Booqashadan kormeer shaqo ayaa qayb ka ah gudashada waajibaadka Golaha Wakiillada ee kormeerka iyo isla-xisaabtanka hayโ€™adaha dowladda, waxayna muhiim u tahay xoojinta wada-shaqaynta hayโ€™adaha dowladda, hufnaanta maamulka iyo horumarinta waxqabadka hayโ€™adaha dowliga ah.

=๐˜ฟ๐™ƒ๐˜ผ๐™ˆ๐™ˆ๐˜ผ๐˜ผ๐˜ฟ=