kormeer shaqo Guddiga Deegaanka, Khayraadka Dabiiciga ah iyo Isbeddelka Cimilada ee Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.
๐๐ฎ๐ฎ๐๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐ป๐ผ๐ผ๐ฑ - ๐ฏ ๐ก๐ผ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ: waxaa Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Waqooyi Bari, kormeer shaqo ku yimid Guddiga Deegaanka, Khayraadka Dabiiciga ah iyo Isbeddelka Cimilada ee Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.
Guddiga waxaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay masuuliyiinta Wasaaradda, oo uu hoggaaminayey Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane ๐๐๐๐๐๐ฌ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐๐ฅ๐ข (Abbas Yacqub) oo uu wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane ๐๐ ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ถ๐ถ๐๐ฒ (Ahmed Senda), iyo laba ka mid ah Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, Mudane Jaamac Maxamuud iyo Marwo Muno Ismaaciil.
Intii uu kulanku socday, masuuliyiinta Wasaaradda ayaa Guddiga warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, qorshayaasha mudnaanta leh, waxqabadka iyo guulaha la gaaray, iyo caqabadaha jira ee hortaagan fulinta waajibaadka Wasaaradda.
Sidoo kale, masuuliyiinta Wasaaradda ayaa ka jawaabay suโaalihii iyo waydiimihii Guddiga, iyagoo faahfaahin ka bixiyey dadaallada Wasaaradda ee la xiriira ilaalinta deegaanka, maaraynta khayraadka dabiiciga ah, ka hortagga khataraha masiibooyinka dabiiciga ah, wax ka qabashada xaalufinta deegaanka iyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan dhawrista deegaanka.
Booqashadan kormeer shaqo ayaa qayb ka ah gudashada waajibaadka Golaha Wakiillada ee kormeerka iyo isla-xisaabtanka hayโadaha dowladda, waxayna muhiim u tahay xoojinta wada-shaqaynta hayโadaha dowladda, hufnaanta maamulka iyo horumarinta waxqabadka hayโadaha dowliga ah.
=๐ฟ๐๐ผ๐๐๐ผ๐ผ๐ฟ=